Inter Milan oo doonaysa Maxamed Saalaxa cusub!!

(Bilbao) 23 Juunyo 2017 – Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo xiisanaysa qannaaska Athletic Bilbao ee Inaki Williams, oo lagu naynaaso “New Mohamed Salah Spallettii”.

Tuttosport ayaa qoraua in Luciano Spalletti uu doonayo laacib leh dhadhanka ciyaareed ee Salah, kaasoo uu macallin ugu ahaa kooxda Roma, iyadoo Williams uu yahay ninka u qabbabaalka eg.

Sheekadan ayaa waxaa sidoo kale qoraya Marca, balse hal caqabad baa noqonaysa lacagta lagu fasaqayo laacib-yarahan oo ka mid ah Spain Under-21 taasoo ah €50m oo euro.

Si kastaba, Tuttosport ayaa rumaysan in Williams loo arki karo “mid si ahaan laga bixi karo arrintiisa” marka loo eego garabka Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria.

Laacibkan oo Bilbao ku dhashay waxaa dhalay waalidiin Ghanaian iyo Liberian ah, wuxuuna isagoo 23-jir uun ah ka mid yahay xiddigaha safka hore ee Athletic tan iyo 2015 isagoo sidoo kale standby ugu jirey Spain koobkii Euro 2016. Waa laacib waloow uu midig yahay misna ka dheeli kara boos kasta oo weerarka ah.

Athletic Bilbao's forward Inaki Williams (L) vies with Real Madrid's defender Daniel Carvajal during the Spanish league football match Athletic Club Bilbao vs Real Madrid CF at the San Mames stadium in Bilbao on March 7, 2015.   AFP PHOTO/ ANDER GILLENEA        (Photo credit should read ANDER GILLENEA/AFP/Getty Images)
Athletic Bilbao’s forward Inaki Williams (L) vies with Real Madrid’s defender Daniel Carvajal during the Spanish league football match Athletic Club Bilbao vs Real Madrid CF at the San Mames stadium in Bilbao on March 7, 2015. AFP PHOTO/ ANDER GILLENEA (Photo credit should read ANDER GILLENEA/AFP/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close