Benzema oo noqon kara kabtan Real ololaha dambe.Sidee?

Captain

(Madrid) 23 Juunyo 2017. Karim Benzema ololaha soo socda waxa uu u noqon karaa mid gaar u ah maadama laga yaabo in uu kabtan u noqdo kooxda uu sideed sano lla joogay.

Arintan ayaa imaneysa xilli uu Pepe tagay maadaa qandaraaskiisu dhacayo 30 Juunyo.

Zidane waxaa looga baahan doonaa in uu buuxiyo booskii hogaamin ee uu baneeyey Pepe oo ahaa kabtanka saddexaad ee Real Madrid.

Kabtanka kowaad waxaa sii ahaan doona Sergio Ramos oo uu qandaraaska uga egyahay 2021-ka.

Kan labaad waa Marcelo walow uu booskiisa biddix loolan adag ugu jiro Theo Hernandez.

Meesha shakiga ka jiro waa Ronaldo, hadii Perez ku qanciyo in uu sii joogo kooxda waxa uu ahaan doonaa kabtanka saddexaad.

Sidaas hadana Benzema waxa uu ku noqon doonaa xulasha afraad.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close