Shirkadda agabka Sport-ga ee A-Z oo xaqiijisay in Zlatan Ibrahimovic uu ku biirayo…

ibra

(Europe) 22 Juunyo 2017. Shiradda agabka Isboortiga ee A-Z ayaa bixisay qishkii ugu waynaa in joog dheeraha reer Sweden ee kooxda Manchester United uu u dhaqaaqayo  horyaalka MLS ee dalka Mareykanka.

Shirkadan A-Z uu milkiyadeedu leeyahay Ibrahimovic qudhiisa ayaa waxay barteeda Twitter soo dhigtay sawirka Zlatan oo xiran midabada Los Angeles waxayna raacisay qoraal u dhacayay:

“Ku soo dhawoow Los Angeles.”.

This Twitter post from Zlatan Ibrahimovic's clothing company had fans in a right spin

Waxaa taa loo fasirtay in laacibka uu u dhaqaaqi doono horyaalka Mareykanka, haddii uusan ku biirina kooxda Galaxy wuxuu dabcan ku biiri karayaa kooxda Los Angeles FC kuwaa oo horyaalka ku soo biiri doona sanada soo socota.

Ibra ayaa heshiiska xorta ah uga tagaya kooxda ka arrimisa Old Trafford maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Joog dheeraha weerarka ka ciyaara ayaa iminka lagu baxnaaniyaa England kaddib dhaawacii darnaa ee ka soo gaaray jilibka kaa oo markii hore la moodayba inuu soo afjaray waayihiisa ciyaareed gabi ahaan.

Sikastaba, lama xaqiijin ilaa iminka kooxda uu cago dhigan doono Ibra waase la arki doonaa halka uu ku dambeeyo Mareykanka iyo Shiinaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close