Patrik Schick oo caafimaadka u maray kooxda Juventus + Sawirro

(Torino) 22 Juunyo 2017 – Patrik Schick ayaa caafimaadka u maray kooxda Juventus, balse waxaa lagu dhawaaqi doonaa heshiiskan oo ku kacay €25m oo euro kaddib koobka Under-21 Euros.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Czech ayaa maanta Torino u yimi caafimaadka, kaddib markii uu dheeley kulankii xalay ay xulkiisu 3-1 uga badiyeen dhiggooda Talyaaniga, isagoo haatan dib ugu noqonaya Poland.

21-jirkan ayaa xagaagii tegey uun Sampdoria uga soo biiray dhanka Sparta Prague isagoo markiiba wacdaro ka dhigay Serie A, oo uu ka dhaliyay 11 gool  14 kulan oo uu safka hore ku bilowday. Laacibkan ayaa heshiiskiisa lagu fasaqi karey €25m balse waxay Old Lady ku dartay woxoogaa si ay lacagta dhowr sano u kala dhiibto.

b b1 b2 b3 b4 b5

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close