Robert Lewandowski iyo Machester United oo shalay wada hadlay!!

le

(Europe) 21 Juunyo 2017. Robert Lewandowski  iyo Manchester United ayaa wada hadalo yeeshay shalay sida uu warinayo khabiirka kubbada cagta Spain ee Guillem Balague.

Wuxuu sheegay in Chelsea aya sidoo kale dooneyso isla markaana ay tahay kooxda uu Lewandowski  door bidayo inuu kiu biiro.

Laakiin Manchester United ayaa sameynaysa talaabooyin  horumar ah oo ku aadan inay la soo saxiixato weeraryahanka reer Poland.

Tartankooda ugu wayn wuxuu ka imaanayaa dhanka kooxda ka arrimisa Stamford Bridge kuwaa oo sidoo kale la xiriiray laacibka.

“Lewandowski kuma faraxsana Bayern,” Balague ayaa sidaa ku soo qoray Twitter kiisa.

“Wuxuu dareemayaa in taageero ku filan aysan siinin ciyaartoyda kooxda markii uu u tartamaya gool dhalinta horyaalka.

“Chelsea iyo Man United waxay labaduba la hadleen wakiilada Lewandowski.

“London waa halka uu door bidayo laakiin MUFC ayaa aad u dooneysa wada hadaladoodii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa shalay.”.

Weeraryahanka Bayern Munich ayaa qudhiisa qarin caradiisa isagoona yiri:

“Runtii kuma faraxsanayn sida ay ii caawiyeen saaxiibadeyda kooxda.

“Waan ka careysnaa waana ka niyad jabnaa hab dhaqanka kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close