Mourinho oo ka jawaab celiyay eedeyntii canshuurta ee loo soo jeediyay

josemourinho-cropped_1qrzx6j2ielzp1jbjv8gcbhpms

(Manchester) 21 Juunyo 2017 Shalay ayaa la baahiyay in tababaraha reer Portugal uu lunsaday canshuur waqtigii uu ku sugnaa kooxda Real Madrid.

Jose ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday canshuur dhan 3.3 milyan oo euro sanadihii u dhexeeyay 2010 ilaa 2013, laakiin tababaraha Manchester United ayaa beeniyay wararkaas.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska tababare Jose Mourinho ayaa lagu yiri:

“Mourinho lama soo gaarsiin bayaan rasmi ah oo ku saabsan qadiyada canshurta ee lagu daabacay saxaafada, ilaa haatan ma jiro qof ka tirsan waaxda canshuuraadka Spain oo la soo xiriiray isaga si loo bilaabo baaritaan”.

“Jose Mourinho oo ku noolaa Spain June 2010 ilaa May 2013, wuxuu bixiyay canshuur dhan 26 milyan oo euro, 2015-kii ayuu ogolaaday in dib loo hagaajiyo canshuuraadkii uu bixiyay 2011 iyo 2012, sidoo kale waxaa laga heshiiyay hagaajinta canshuuraadkii 2013”.

“Sidoo kale waxaa lasiiyay warqado cadaynaya inuu maray dhamaan wax walba oo waajib ku ahaa isla markaana uu bixiyay dhamaan canshuuraadkii laga doonayay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close