Mohamed Salah oo gaaray ingiriiska si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Liverpool

salahh

(Liverpool) 21 Juunyo 2017 Weerar yahanka kooxda Roma ee Mohamed Salah ayaa gaaray magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Liverpool.

Intabadan warbaahinta ingiriiska iyo kuwo talyaaniga ayaa daabacay in Mohamed Salah uu soo caga dhigtay ingiriiska.

Salah ayaa ku biiraya kooxda Liverpool oo kula heshiisay kooxda Roma aduun dhan 45 milyan oo euro.

Mohamed Salah ayaa qalinka ugu duugaya kooxda tababare Klopp heshiis 4-sano, barri oo khamiis ah ayaana la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close