“Kaliya lacag uun ayuu ka doonayaa Real Madrid ee wax kale ma jiraan.”. Jose oo rajo badan ka qabin Cristiano Ronaldo

crr

(England) 21 Juunyo 2017. Jose Mourinho ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu lacag uun uga shaq shaqanayo Real Madrid wararka ku aadan inuu ku goodinayo inuu ka tagayo Spain.

Xiddiga reer Portugal ayaa dab lagu shiday usbuucii tagay kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacago canshuur ah oo dhan 13 milyan oo bound.

Waxaa aad lala xiriirinayaa inuu isaga soo tago Bernabeu isla markaana uu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Manchester United.

Laakiin warar ku dhow dhow Jose Mourinho ayaa daaha ka rogay inaysan dhici doonin heshiiska cajiibka ah uu CR7 dib ugu soo laabanayo Old Trafford.

Related image

Mar la waydiiyay Jose inuu filanayo in Ronaldo dib u soo laabanayo ayaa yiri sida ay sheegayaan warar laga helay gudaha United:

“Maya, Kaliya lacag uun ayuu Ronaldo ka doonayaa Real Madrid, wax kale ma jiraan.”.

Ronaldo oo lix sano ku soo qaatay kooxda reer England ka hro intii uusan lacago rikoodh ah ugu soo biirin Real Madrid 2009 ayaa saxiixay heshiis 5 sano ah bishii November.

Lacagaha xooga badan uu ku qaadanayo heshiiskiisa cusub ayaa ka dhigtay inuu noqdo laacibka ugu mushaarka badan ciyaaraha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close