“Bellerin iib ma ahan” – Arsenal oo ku wargalisay Barcelona in Bellerin uusan iib ahayn

(London) 21 Juunyo 2017 Kooxda Arsenal ayaa go’aankeeda u gudbisay Barcelona kaas oo ku aadan iibka daafaca reer Spain ee Hector Bellerin.

Gunners ayaa ku wargalisay Barcelona in Hector Bellerin uusan iib ahayn isla markaana uu sii joogayo London xiliciyaareedka cusub sida ay baahisay Sport.

22 jirkaan ayaa lala xiriiriyay kooxda Barcelona, waxaana la ogaaday in laacibku uu guri ka iibsaday magaalada Barcelona.

Tababare Valverde ayaa ku darsaday Hector Bellerin qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, laakiin Arsenal ayaan diyaar u ahayn inay iska iibiso laacibkeeda.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close