XOG: AC Milan oo markale wada xaajood la furaysa Gianluigi Donnarumma

(Milano) 20 Juunyo 2017 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan wada xaajoodyo ay la gelayaan Gianluigi Donnarumma, todobaad uun ka yar markii uu sheegay inuusan qandaraaska kordhinayn.

Wiilkan 18-jirka ah ayaa wada xaajood daba dheeraaday kula jirey kooxda Rossoneri tan iyo markii uu da’daa gaarey bishii Febraayo, balse todobaadkii tegey ayuu naadigu sheegay inuu diidey qandaraas kordhintii.

Maaddaama uu qandaraaska wiilku dhacayo sanadka soo aaddan waxay Milan ku khasban tahay inay kaashato halkii ay si bilaash ah ku waayi lahayd, yeelkeede, Sky ayaa sheegaya in Mino Raiola, uu maalmaha soo aaddan la kulmi doono Marco Fassone, halka uu walaalkii Enzo u duulay Poland si uu ula kulmo wiilka iyo qoyskiisa oo ka qayb gelaya koobka Yurub ee Under-21.
Maareeyaha ciyaaraha ee Milan ee Massimiliano Mirabelli ayaa durba la hadlay wakiillada qabtayaasha Neto iyo Mattia Perin, balse wuxuu waydiinayaa xaaladda jeer uu qiimaynayo xaaladda Donnarumma, iyadoo ay adag tahay in dib loo furo wada hadal balse misna quus ma aha oo waa wax dhici kara.
during the Serie A match between FC Torino and AC Milan at Stadio Olimpico di Torino on January 16, 2017 in Turin, Italy.
during the Serie A match between FC Torino and AC Milan at Stadio Olimpico di Torino on January 16, 2017 in Turin, Italy.
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close