“Waa Doqon ka ciyaara boos aan laga ciyaarin.”. Maradona iyo Alves oo baalasha iska tifay!!!!

alaa

(Europe) 20 Juunyo 2017. Diego Maradona ayaa si xun u weeraray daafaca Juventus ee Dani Alves isagoo ku sheegay inuu yahay Doqon.

Maradona ayaa xulka Argentina ka caawiyay inay ku guuleystaan koobkii adduunka ee 1986-dii kolkaa uu gacanta gool uga dhaliyay England sideed dhammaadka ay 2-1 uga adkaadeen.

Alves ayaa aad uga soo hor jeestay sheekada uu sameeyay Maradona isagoona sheegay inuusan tusaale u noqon karin da’yarta kaddib khiyaanadii uu sameeyay.

“Ma waxaad dooneysaa inaad Messi la bar bardhigto Maradona? Islama bar bardhigi kartid,” Alves ayaa sidaa u sheegay kanaalka dalka Brazil ee Canais Esporte Interativo.

“Kuma farxi lahayn inaan iraahdo gacan barakeysan ayaan ugu guuleystay koobka adduunka, ma awoodo inaan wiilkeyga u sheego in sidan oo kale ugu guuleystay koobka adduunka iyadoo uu caalamka oo dhan hadal hayo midaa.

Image result for Maradona vs Alves

“Gacanta barakeysan way na khiyaantay, waa inaad iska soo qaadaa booskan adag. Laacib sidan oo kale ah tusaale uma noqon karo da’yarta.”.

Yeelkeede, Maradona ayaa isna jawaab culus ka soo bixiyay hadalka daafaca reer Brazil wuxuuna yiri mar uu u waramayay TyC Sports.

“Dani Alves waa Doqon, wuxuu sameeyaa 28 baas, afar oo kaliya ayuuna saxaa, Cafu iyo Maicon way fiicnaayeen, laakiin Alves? Waa mid liita.

“Wuu hadlayaa maxaa yeelay wuxuu ka ciyaaraa boos aan garoonka laga ciyaarin kubbada. Kuwa ka ciyaara garabka Midig waxay taabtaan kubbada saddex jeer waxayna sameeyaan sideed qalad kulankiiba.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close