Roma & Milan oo wada raacdaynaya Rachid Ghezzal

(Roma) 20 Juunyo 2017 – Roma ayaa Rachid Ghezzal u dooratay biddaalka garabkeeda Liverpool-u jahaysan ee Mohamed Salah, balse waxaa kula dheggan kooxda AC Milan oo iyadna doonaysa garabka Lyon.

Salah ayaa la sheegaya inay wax kastaahiba u dhamaadeen oo uu fiidkan u shiraacanayo Ingiriiska si uu caafimaadka ugu maro Liverpool oo kula wareegtey €45m, oo uu dheeraad la socdo.

Waxaa lasoo sheegayaa in Ghezzal uu yahay ninka ay Roma u aragto bedelka Salah kaasoo uu qandaraaskiisa Olympique Lyonnais dhamaanayo bishan, yeelkeede, France Football ayaa tusmaynaya in Giallorossi aysan keli ku ahayn laacibkan Aljeeriya kasoo jeeda, maaddaama ay Milan dalab hore ka gudbisey, taasoo la leeyahay way uga cadcaddahay.

Ghezzal oo qaranka dalkiisa ku jira ayaa 25 jirsadey sanadkan wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 3 gool isagoo dhigay 7 kale, 38 kulan oo uu saftay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close