“Neymar waxa uu tijaabada caafimaad u maray Real Madrid.”. Florentino Perez

ny

(Spain) 20 Juunyo 2017. Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa daaha ka rogay inuu qarka u fuulay inuu la soo wareego xiddiga reer Brazil ee Neymar ka hor inta uusan ku biirin kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Barcelona.

“Neymar wuxuu tijaabada caafimaad u maray Real Madrid, waxaan isku daynaya inuu yimaado, laakiin waxaan aragnay in hal meel oo aysan suuro gal ku noqoneyn waxaana ka baxnay heshiiska,” Madaxwayne Perez ayaa sidaa u sheegay Onda Cero.

Neymar ayaa markii dambe ku biiray Barcelona sanadii 2013, iyadoo intaa kaddib ay Los Blancos dooratay inay lacago badan khasirto isla suuqaas ay la soo saxiixan waayeen Neymar.

Waxay lacago rikoodh ka noqday suuqa kala iibsiga Tottenham kaga soo iibsatay xiddiga iminka garabka kaga duula ee Gareth Bale bishii September 2013.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close