Ma Ogtahay in Pep Guardiola loogu yeero ‘JOSE’ marka uu gurigiisa joogo!!!!!

jose

(Europe) 20 Juunyo 2017. Aabaha dhalay tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa daaha ka rogay in wiilkiisa loogu yeero ‘Jose’ marka uu guriga joogo.

Waxaa durba maskaxdaada ku soo dhacaya Jose Mourinho iyo xifaaltanka ka dhexeeya labada macalin balse sheekadan wax ka khuseeya ma jiraan arrinkaas.

Sida cad Jose waa magac caan ah oo Spanish ah waana mid uu iminka Guardiola la wadaago reerkiisa marka uu mininkiisa joogo.

The name 'Jose' is forever ringing in Pep Guardiola's ears...

Magaca hore ee macallinka Manchester City ayaa dhab ahaan ahaa Josef ee ma ahayn ‘Pep’.

Magaca buuxa ee Guardila ayaa waxa uu yahay Josep Guardiola Sala.

“Marka la joogo halkan (Guriga) waxaan had iyo jeer ugu yeernaa isaga ‘Jose’, Valenti Guardiola ayaa sidaa u sheegay Cronica El Mundo.

“Ma jiraan wax la dhoho Pep.

“Maalin ayaa wuxuu hooyadii ku yiri: ‘Waxaan ahay Jose marka aan joogo guriga’”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close