Juventus oo booska Dani Alves ku daarinaysa dadabka De Sciglio

(Torino) 20 Juunyo 2017 – Tegitaanka Dani Alves ayaa sida la yiri waxay Juventus gelinays geeddi ay ku raadinayso dambeed midig oo booskiisa geli kara iyagoo isha la raacaya daafaca AC Milan ee Mattia De Sciglio.

Waxaa la sheegayaa inuu laacibkani ka socdo Bianconeri kaddib markii ay isku dheceen iyadoo durba lala xiriirinayo Manchester City, sida uu qorayo SportMediaset, kooxda Old Lady ayaa ka fikirtey Danilo oo u dheela Real Madrid, balse waa laacib aan Yurub ahayn iyagoo kootadaas doonaya inay geliyaan Douglas Costa.

Taas ayaa haddaba ka dhigan in De Sciglio, oo u muuqda mid Milan ka socda marar horana isla Juve lala xiriirinayo uu kusoo biirayo kooxdaas, balse waa inay Milan is fahmaan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close