Douglas Costa oo ku dhaw ku biirida Juventus

كوستا يقترب من الانتقال إلى يوفنتوس

(Torino) 20 Juunyo 2017 Laacibka reer Brazil ee Douglas Costa ayaa ku sii dhawaanaya inuu ku biiro kooxda Juventus ee dalka talyaaniga.

Xiddigaan ayaa go’aansaday inuu isaga tago kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich kadib markii uu ka waayay boos joogto ah, kooxda ayaana soo dhigtay suuqa.

Sida lagu daabacay wargayska Kicker ee dalka Jarmalka, Douglas Costa ayaa ku dhaw inuu ku biiro Juventus, iyada oo kooxda reer talyaani ay ku qaadanayso 40 milyan oo euro.

Tababare Allegri ayaa doonaya in 26 jirkaan uu ku xoojiyo weerarkiisa xiliciyaareedka cusub, wuxuuna uga adkaanayaa saxiixiisa kooxo badan.

Douglas Costa ayaa ku soo biiray Bayern Munich xaggaagii 2015, markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Shakhtar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close