Arsenal oo Sanchez iyo Ozil dartood u soo kireysatay Khabiir Wayn….(Muxuu qabanayaa?)

ks

(London) 20 Juunyo 2017. Waxaa soo laa laabatay sheekada cakiran ee ka taagan Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil balse Arsenal ayaa soo kireysatay Khabiir wayn si ay howshaa dhinac ugu rido.

Huss Fahmy ayaa lagu magacaabaa khabiirka ay Arsenal u shaqo galisay si uu u xaliyo xaalada ku hareereysan heshiis kor dhinta labada laacib.

Wuxuu ka howl gala Fahmy Sky Team, Gunners ayaana usbuucii hore u weecatay dhankiisa si uu labada laacib ugu qanciyo heshiis cusub.

Huss Fahmy may be put in charge of dealing with Alexis Sanchez and Mesut Ozil's deals

Arsene Wenger ayaa weli ku qacin la’ labadiisa xiddig inay sii joogaan gegada Emirates isla markaana ay qandaraasyo cusub saxiixaan.

Laacibka reer Chile iyo midka reer Germany ayaa doonaya inay ka wada tagaan Arsenal kaddib kal ciyaareed niyad jab leh ay kooxda la qaateen iyadoo Sanchez lala xiriirinayo Bayern Munich.

Fahmy oo muhiim ka ahaa Sky Team tan iyo sidii uu ugu biiray 2010 ayaa imaanshiyihiisu waxay bixineysaa tilmaam ah in madaxa fulinta Arsenal Ivan Gazidis uu ka dhabeynayo balankii ahaa inuu isbadel wayn ku sameynayo naadiga.

Marka laga soo tago Fahmy, Gunners waxay kaloo shaqo galisay Darren Burgess oo ah khabiir dhanka jir dhiska ah wuxuuna kooxda ku soo biiri doonaa bisha soo socota.

Arsenal have also hired former Liverpool and Australia fitness coach Darren Burgess

Burgess ayaa iminka ka shaqeynaya shuruucda kubbada cagta ee kooxda Port Adelaide ee ka dhisan Australia.

Wuxuu markii hore Liverpool kala soo shaqeeyay Brendan Rodgers sanadihii u dhexeeyay 2010 iyo 2013.

Shaqada uu iminka ka qaban doono Darren Burgess kooxda reer London ayaa waxay noqon doontaa inuu diirada saaro Daawada, Cilmi Nafsiga iyo falanqeynta wax qabadka kooxda.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close