Pepe oo ku qancinaya Ronaldo inuu kula biiro PSG

بيبي يقنع رونالدو بالانتقال إلى باريس سان جيرمان

(Madrid) 19 Juunyo 2017 Daafaca reer Portugal ee Pepe ayaa ku qancinaya saaxiibkiis Cristiano Ronaldo inuu kula biiro kooxda PSG.

Ronaldo ayaa lala xiriiriyay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Manchester United, sidoo kale Real ayaa isku dayeeysa inay sii haysato xiddiga 4-ta jeer ku guulaystay laacibka aduunka.

Laakiin Pepe oo ay in mudo ah kawada tirsanaayeen kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa markaan ku qalqaalinaya inuu kula biiro PSG.

Pepe ayaa ka tagaya Real Madrid dhamaadka bishaan markaas oo uu dhacayo qandaraaskiisa, wuxuuna haatan wadahadal kula jiraa kooxda reer France ee PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close