Kylian Mbappe oo niyad jabiyay Arsenal (Kooxdee ayuu doortay?)

(Monaco) 19 Juunyo 2017 Weerar yahanka kooxda Monaco ee Kylian Mbappe ayaa niyad jabiyay kooxda Arsenal oo si wayn u doonaysay.

Da’yarkaan oo wacdaro ka dhigay yurub xiliciyaareedkii dhamaaday ayaa noqday laacibka loogu doonista badan yahay suuqa xaggaagan.

Tababare Arsene Wenger ayaa ku dadaalaya in laacibka uu ku qanciyo u soo dhaqaaqida caasimada ingiriiska laakiin laacibka ayaa doortay ku biirida Real Madrid.

Image result for Mbappe Arsenal and Real Madrid

Sida ay baahisay Marca, Kylian Mbappe ayaa ku wargaliyay maamulka kooxdiisa Monaco inuu doonayo ku biirida Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa go’aankiisa u gudbiyay khamiistii hore milkiilaha kooxda reer France oo ay wada cashaynayeen.

Laacibka ayaa sidoo kale u gudbiyay Real Madrid rabitaankiisa ah inuu xirto maaliyada kooxda boqortooyada Spain laakiin wuxuu ku jahwareersan yahay waqtiga rasmiga ah ee uu ku biiri doono.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close