HESHIIS DHACAY: Lucas Biglia oo Arbacada ku biiraya AC Milan (Xog)

(Milano) 19 Juunyo 2017 – Kaddib markii ay samaysay afar saxiix oo muhim ah taasoo ahayd todobaad kasta hal saxiix, AC Milan waxay xiraysaa saxiixii todobaadkan kaasoo noqonaya Lucas Biglia, oo lagu dhamayn doono imaanshiyaha maareeyaha suuqa ee Lazio oo ah Igle Tare oo Milano imanaya Arbacada.

TAFASIIL – Sida uu dhigayo Tuttosport saaka, kooxda Milan aya woxoogaa qiime dhimis ah ka heshay Lazio oo ay siinayso 19 milyan halkii ay Biancocelesti awal ka dalbanaysay 25 milyan oo euro, waxaana wax kasta lasoo afjarayaa Arbacada soo socota oo uu laacibka reer Argentine iman doono Milanello.

Milan ayaa horay Lazio ugula heshiisey inay 50 milyan ku wada qaadato Biglia iyo Keita Salif Diao balse laacibka dambe oo la rumaysan yahay inuu heshiis hordhac ah kula jiro Juve ayaa diidey inuu qayb ka noqdo heshiiskaas, taasoo keentay in lakala furo labada heshiis.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close