Fassone : Gacmo furan ayaaanu ku soo dhaweyneynaa hadii uu dib fekerkiisa u bedelo Donnarumma mana jirto cid handaday

Fassone-glance-epa_4

(Milan) 19 Juunyo 2017. Agaasimaha Milan Fassone waxa uu ku adkeysanayaa in uu soo dhaweyn doono hadii Gianluigi Donnarumma soo laabto isaga oo intaa raaciyey in goolwalaha aan la cabsi galin.

Kooxda iyo Donnarumma ayaa isku afgaran waayey qandaraas kordhinta khamiistii taas oo uu markii dambe cadeeyey wakiilkiisa Raiola in uusan xiddiga dheereyn doonin heshiiska.

Sidoo kale Raiola oo arinta ka hadlay ayaa sheegay in goolwalaha iyo qoyskiisaba la baqdin galiyey.

“Weyna xanuusineysaa in kubadda cagta aad wax looga raadiyo,” ayuu Fassone u sheegay Corriere della Sera.Fassone-glance-epa_4

 

“Sidoo kale waan ka niyad jabsannahay go’aankiisa, iyo waliba midda wakiilkiisa, oo facelinadaas keenay. Koox ahaan, waxaan hubaa in aysan jirin wax intaa dheer oo aynu u siin karnay Gigio iyo qoyskiisa sida ay u jecleystaan joogidda. Waan isku daynay in aan taas u gudbino isaga mar walba oo aan la hadalnay.

“Hadii ay noqoto in uu dib u fakaro, ma aha kaliya in kooxda  gamco furan ku soo dhaweyneyso  laakiin ugu dambey xittaa jamaahiirta Milan. Jawiga si dhaqso leh ayuu isu badali karaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close