Shirkii jaraa’id ee uu qaban lahaa Mino Raiola oo baaqday! (Maxaa is beddeley?)

(Monte Carlo) 18 Juunyo 2017 – Waqti haatan ilaa 3 saacadood laga joogo waxaa la dhowrayay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa wakiilka Mino Raiola kaasoo ka hadli lahaa waxa ka khaldamay AC Milan iyo Gianluigi Donnarumma, kaasoo ka dhici lahaa Monte Carlo.

Yeelkeede Vincenzo Raiola, oo ay ilma abti yihiin islana shaqeeyaan ayaa Twitter-ka ku qoray inuusan jiri doonin shir jaraa’id balse taa biddaalkeeda uu waraysi siin hay’adaha warbaahinta isboortiga ee ugu waawayn Talyaaniga sida Sky, Mediaset iyo Rai. 

Waxaa aad loo filayaa inuu eedayn doono Massimiliano Mirabelli, maareeyaha isboortiga ee Milan, kaasoo la sheegay inuu gacan dhaaf ku sameeyay kaddib markii uu wacay wiilka iyo qoyskiisa si uu uga dhaadhiciyo inuu qandaraaska cusboonaysiiyo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close