Luis Enrique oo laga doonayo Stamford Bridge… Chelsea oo liiska ku darsatay tababarihii hore ee Barcelona

Image result for Conte and Enrique

(London) 18 Juunyo 2017 Kooxda Chelsea ayaa durbadiiba bilowday inay diirada saarato tababareyaashii u badali lahaa Antonio Conte haddii uu ka tago kooxda.

Isku dhac wayn ayaa ka dhex jira maamulka Blues iyo tababaraha reer talyaani kaas oo salka ku haaya hab dhaqanka Conte.

إنريكي مرشح لقيادة تشيلسي

Chelsea ayaa diirada saaratay tababarihii dhawaantaan katagay shaqada kooxda Barcelona ee Luis Enrique haddii uu baxo Conte sida ay baahisay Telegraph.

Waxaa jira warar sheegaya in Conte uusan la dhacsanayn nolosha magaalada London isaga iyo qoyskiisa, waxaana si wayn u doonaysa Inter Milan.

Enrique ayaa sanado cajiib ah ku qaatay kooxda Barcelona laakiin wuxuu go’aansaday inuu katago si uu u sameeyo tijaabo cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close