DOLLARUMMA: Taageerayaasha Milan ee Poland oo nafta u keenay Donnarumma + Sawirro (Lacago bug ah oo lagu daadiyay!)

(Krakow) 18 Juunyo 2017 – Taageerayaasha AC Milan ee Poland ayaa inuu nabad ku lado u diidey goolwalaha Gianluigi Donnarumma oo xulka Talyaaniga u qabanayay ciyaartooda 1-aad ee Under-21 European Championship oo ay 2-0 uga badiyeen Denmark magaalada Krakow.

Qabtahan 18-jirka ah ayaa diidey inuu qandaraaska u cusboonaysiiyo kooxda Rossoneri taasoo ay aad uga caroodeen taageerayaasha Milan, iyadoo ay taageerayaasha Milan Club Poland ay fariisteen gadaasha goolka iyagoo boor uu ku qornaa ‘Dollarumma.’

Intaa kuma ekaanine xilli laad gees lasoo tuurayay bay xitaa goolka kusoo daadiyeen lacag macmal ah oo doollar ah, taasoo keentay in xitaa ciyaarta la hakiyo si garoonka looga nadiifiyo, iyagoo gelinkii hore ee ciyaarta oo idil ku qaylinayay aflagaaddooyin ka dhan  Donnarumma.

b15

b1 b2 b3 b4 b6 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b16

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close