“Sir Alex Ferguson iyo Ronaldo waa saaxiib wali”, – Calderon

jhjjjjjjjjjjjjjj

(Madrid) 17 Juunyo 2017. Madaxweynahihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa sheegay in Sir Alex Ferguson uu yahay “Furaha” ay Manchester United ku heli karto Cristiano Ronaldo.

Calderon ayaa u aneenaya arinta saaxiibtinimada dhaw ee wali ka dhexeysa Ronaldo iyo Sir Alex Ferguson.

Iyada oo ay jirto xiisad ka dhex aloolsan Spain iyo Ronaldo taas oo dhalisay in ciyaaryahanka go’aansado ka tagidda Madrid ayaa hadana waxaa jira xan xoog leh oo la xiriirineysa kooxdiisi hore.

Ferguson waxa uu abaalmarinta xiddiggii kulanka ku gudoonsiiyey Ronaldo magaalada Cardiff, ciyaartii fiinaalaha Champions League-ga.

Calderon oo wareysi siinaya saxaafadda kaddib wararka Ronaldo  waxa uu yiri: “Xaaladan oo kale wey I soo martay ee ay hada ku jirto Manchester United markii uu go’aansaday in uu ka tago oo aan la soo saxiixday.

“Waxa uu dhahay waxaan rabaa in aan tago, madaxweyne ahaan waxba kama qaban kartid in aad fasaxdo mooyee kana heshid heshiiska ugu wacan ee suurtagalka ah.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close