Confederations Cup: Russia oo guul ku furatay koobka qaaradaha +SAWIRRO

(Moscow) 17 Juunyo 2017 Xulka qaranka Ruushka ayaa guul ku furtay koobka qaaradaha oo ay martigalinayaan, kadib guul ay ka gaareen xulka qaranka New Zealand.

Russia ayaa ku dhawaatay inay hogaanka qabato daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta laakiin daafaca New Zealand ayaa ahaa mid aad u adag.

31 daqiiqo daafaca New Zealand ee Michael Boxall ayaa gool iska dhaliyay, xulka qaranka Ruushka ayaana sidaas ku qabtay hogaanka.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo xulka qaranka Ruushku uu hogaanka ku haayay.

Qaybtii dambe xulka qaranka Ruushka ayaa halkiisa ka sii waday qaab ciyaareedkiisa fiican, 69 daqiiqo xiddiga lambar 9-aad ee Fedor Smolov ayaa u sii dheereeyay hogaanka xulkiisa, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday martigaliyaasha koobka Confederation Cup.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close