“Waxaan kula taliyay Dybala inuu katago Juventus” – Dani Alves

Image result for Dybala and Alves

(Torino) 16 Juunyo 2017 Daafaca reer Brazil ee kooxda Juventus Dani Alves ayaa daaha ka qaaday talo uu siiyay weerar yahanka reer Argentina.

Talada Dani Alves ayaa ah in laacibku uu hormar badan sameeyo, si taas ay u dhacdana wuxuu u sheegay inuu isaga tago kooxda reer talyaani.

Alves ayaa u sheegay Paulo Dybala in Juventus aysan u suurogalin karin inuu heer sare ka gaaro kubadda cagta.

“Horay ayaan ula hadlay Paulo Dybala, waxaan u sheegay inuu u baahanyahay inuu si wayn hormar u sameeyo waqtiga soo socda, taasna uma suurogali karto inta uu joogo Juventus” ayuu yiri Alves.

“Waan la hadlay isaga waxaanan kula taliyay inuu katago Juventus, si uu u raadiyo tijaabo cusub oo uu ku soo muujiyo xirfadiisa si uu u noqdo mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka”.

“Waxaan ku iri waxaad tahay dheyman u baahan fursad uu ku soo muuqdo si uu uga yaabiyo dadka dhan” ayuu sii raaciyay daafaca reer Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close