PSG oo niyad jabisay daafaca Real Madrid ee Pepe (Maxaa dhacay?)

Pepe psg

(Paris) 16 Juunyo 2017 Kooxda PSG ayaa niyad jabisay daafaca Real Madrid ee Pepe kaas oo doonayay inuu ku biiro kooxda reer France.

Pepe ayaa la xaqiijiyay inuu isaga dhaqaaqi doono Real Madrid dhamaadka bishaan, laacibka ayaana ku dhaw inuu xirto maaliyada PSG.

Sida lagu daabacay L’Equipe, PSG ayaa soo hordhigtay daafaca reer Portugal heshiis hal sano ah isaga oo ku darsan kara sanad kale haddii uu la qabsado kooxda.

Balse Pepe ayaan ku farxin dalabka PSG, laacibka ayaa awal ka carooday dalab hal sano ahaa oo Real Madrid ay soo hordhigtay, wuxuuna doonayaa 2-sano.

Lama oga in Pepe uu badali doono go’aanka uu ugu biirayo PSG, laacibka ayaana haatan ku mashquulsan koobka qaaradaha oo xulkiisu uu uga qayb galayo dalka Ruushka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close