Ogoow Afar kooxood oo Cristiano Ronaldo uu ku biiri karo

(Madrid) 16 Juunyo 2017 Ronaldo ayaa la baahiyay inuu go’aansaday inuu isaga tago caasimada Spain ee Madrid, kadib markii lagu soo eedeeyay lunsasho canshuur.

Laacibka reer Portugal ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday canshuur dhan 14.7 milyan oo euro, wuxuuna wajahayaa xabsi 7-sano ah haddii lagu helo kiiskaan.

Balse Laacibka ayaa go’aansaday inuu gabi ahaanba isaga tago Spain, taas oo ka dhigaysa inuu ka tagi doono Real Madrid.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday Afar kooxood oo Cristiano Ronaldo uu ku biiri karo haddii uu ka tago Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegay in Ronaldo uu ku biiri karo Manchester United, Manchester City, PSG iyo waliba kooxaha horyaalka shiinaha.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close