Kulan ay Milan la lahayd wakiilka goolwale Neto oo daqiiqado kahor soo dhamaaday! (Milan oo qabtayaal raadinaysa)

(Milano) 16 Juunyo 2017 – Sida uu qorayo MilanNews.it, waxaa 5 daqiiqo kahor soo dhamaaday kulan dhexmaray wakiilka goolwalaha Neto iyo AC Milan.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay is fahmeen iyadoo ay Juventus goolwalahan ku qiimayso ilaa 10 milyan oo euro, balse Milan ayaa u sheegtay inay sidoo kale indha indhaynayso goolwalayaal kale si ay uga xulato midka la habboon.
Milan ayaa suuqa ugu jirta goolwale cusub kaddib markii uu shalay si lama filaan ah oo lala yaabay uu goolwalohooda muluqa ah ee Donnarumma u sheegay inuusan kordhinaynin qandaraaska uu kula joogo, iyadoo ay aad ugu badan tahay inaysan Milan dib dambe u ciyaarsiin doonin goolwalahan xitaa haddii aan la iibinin xagaaganna uu tarabuunka fuuli doono.
b1
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close