Bayern Munich oo dib ugu soo laabatay xiisaha Marco Verratti

بايرن يقاتل من أجل ضم فيراتي

(Munich) 16 Juunyo 2017 Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa dib ugu soo laabatay xiisaha laacibka PSG ee Marco Verratti.

Xiddiga reer talyaani ayaa lala xiriiriyay inuu isaga tagi doono suuqa xaggaagan kooxda PSG, wuxuuna aad u doonayaa ku biirida Barcelona.

Laakiin Bayern Munich ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato fursadeeda, si ay Barcelona ugu ciriiriso saxiixa Verratti sida ay baahisay Bild.

Wargayska ayaa intaa ku daray in kooxda Bayern Munich ay diyaar latahay lacag dhan 45 milyan oo Ginni, laakiin PSG ayaa ku qiimaysay laacibkeeda 65 milyan oo Ginni.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa ku darsaday Marco Verratti liiska ciyaartoyda uu ka doonayo suuqa si uu ugu buuxiyo booska uu banaynayo Xabi Alonso.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close