PSG oo isaga hartay doonistii saxiixa Aubameyang

(Paris) 15 Juunyo 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa isaga hartay doonistii saxiixa weerar yahanka Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Laacib kaan ayaa la baahiyay inuu aad ugu dhawyahay kooxda reer France, balse kooxda macalin Emery ayaa isaga hartay doonistiisa.

Wargayska Bild ayaa baahiyay in Aubameyang iyo walaalkiis ay fasaxa xaggaaga ku qaateen France balse uusan ku biiri doonin PSG kadib markii tababare Unai Emery uu dalbaday in kooxda laga xoojiyo qadka dhexe.

27 jirkaan ayaa u weecan doona inuu ka fikiro dalabka labaad oo uu ka helayo kooxda Tianjin Quanjian ee dalka shiinaha oo u soo bandhigtay 40 milyan oo euro sanadkii.

Borussia ayaa ku wargalisay kooxaha xiisaynaya laacibka inay miiska soo saaraan lacag dhan 70 milyan oo euro taas oo ku adag kooxda dalka shiinaha.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close