Maxaa ka jira in Messi uu qayb ka yahay qorshaha Marco Verratti uu ugu biirayo Barcelona?

Image result for Marco Verratti and Messi

(Barcelona) 15 Juunyo 2017 Waxaa la baahiyay in Lionel Messi uu ka qayb qaadanayo sidii Marco Verratti loogu qancin lahaa inuu ku biiro Barcelona.

Messi ayaa la sheegay inuu xaflad casho ku casuumay xalay laacibka reer Argentina iyo kooxda PSG ee Javier Pastore, Verratti ayaana ka soo qaybgalay xaflada si Messi uu ugu cadaadiyo inuu u soo dhaqaaqo Camp Nou.

Laakiin Mundo Deportivo ayaa beenisay warkaas, waxayna sheegtay in Lionel Messi uusan u joogin Ibiza inuu Marco Verratti ku qanciyo ku biirida Barcelona balse laacibku uu ku raaxaysanayo fasaxiisa.

Sidoo kale wargayska ayaa sheegay in Messi uusan ka qayb qaadan xafladii cashada ee xalay ka dhacday Ibiza, waxayna ahayd kaliya mid ku kooban Pastore, Verratti iyo wakiilkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close