FEERKII QARNIGA: McGregor iyo Mayweather oo ugu dambeyn is fara saaraya….(Goorma, imise ayuuse ku kacayaa Feerka????)

ss

(America) 15 Juunyo 2017. Dagaalyahanka UFC Champions ee Conor McGregor ayaa bilooyin isku  dayayay inuu heshiis FEER ah la gaaro feeryahanka caanka ah ee Floyd Mayweather.

McGregor ayaana twitter kiisa ku soo qoray ‘Daaglka wuu bilowday’ iyadoo ug dambeyn heshiis laga gaaray goorta iyo goobta.

Mayweather qudhiisa ayaa soo dhigay boggiisa Instagram muuqaal uu ku xaqiijinayo dagaalka dhex mari doono isaga iyo McGregor 26 ka August.

Si rasmi ah looma shaacin laakiin waxay u badan tahay in Feerku uu sida caadiga ah noqon doono 12 wareeg, isla markaana uu ka dhici doono T-Mobile Arena ee Vegas.

McGregor ayaa saddex jeer ku guuleystay dagaalka aan waxba ka reebneyn ee UFC wuxuuna bishii December soo qaatay Liisan Feerka ah.

40 jirka Mayweather ayaa hal kulan xitaa laga adkaan 49 kulan uu dheelay feerka oo dhammaan wuu adkaaday halka 28-jirka uu adkaaday 21 jeer 24 kulan uu ciyaaraya ciyaaraha UFC.

Haddaba goorma ayaaa lagu wadaa inuu dhoco kulankan xiisaha badan imise ayuuse ku kacayaa?

Floyd Mayweather has confirmed the superfight will go ahead on August 26

Feerka qarniga ayaa lagu wadaa inuu ka dhoco magaalada Las Vegas 26 ka bisha August maalin sabti ah.

Wuxuu noqon doonaa Feerkii ugu qaalisan ebid taariikhda isagoo ku kici doona 1 Bilyan oo doolar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close