Arsenal oo laga soo diiday dalab ay ka gudbisay Juan Cuadrado

Image result for Juan Cuadrado Arsenal

(London) 15 Juunyo 2017 Kooxda Juventus ayaa soo diiday dalab Arsenal ay ka gudbisay laacibkooda reer Colombia ee Juan Cuadrado.

Sida ay baahisay The Sun, Arsenal ayaa laga soo diiday dalab gaarayay 17.6 milyan oo Ginni oo ay kooxdu ku doonaysay Juan Cuadrado.

Juventus ayaana ku wargalisay kooxda Arsenal inay miiska soo saarto aduun dhan 30 milyan oo Ginni haddiiba ay doonayaan saxiixa Juan Cuadrado.

29 jirka reer Colombia ayaa laba xiliciyaareed oo amaah ah ku qaatay Juventus, balse kooxda reer talyaani ayaa gabi ahaanba kala wareegtay Chelsea bishii hore, wuxuuna qalinka ugu duugay heshiis 3-sano ah.

Arsene Wenger ayaa u arkay Juan Cuadrado badalka Alexis Sanchez kaas oo aan la hubin mustaqbalkiisa Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close