SAWIRRO: Manchester United oo xaqiijisay saxiixa Victor Lindelof

sa

(Manchester) 14 Juunyo 2017. Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay adduun dhan 45 milyan oo euro uu u dhiganta (40 milyan oo bound) kula soo saxiixatay daafaca Benfica ee Victor Lindelof.

Sabtidii ayay ahayd markii la shaaciyay inay Manchester la heshiisay daafaca reer Sweden, maanta oo arboco ahna laacibka ayaa soo gaaray England isagoo tijaabada caafimaad u maray kooxda ka arrimisa Old Trafford ka hor inta uusan 4 sano oo heshiis ah u saxiixin.

22 jirka ka ciyaara daafaca dhexe ayaa noqday saxiixii ugu horreeyay ay United sameyso xagaaga.

Victor Lindelof says he cannot wait to help United and Mourinho to win more trophies

Jose oo ka waramaya tayada daaca yar ayaa yiri:

“Waa laacib yar oo aad u tayo badan, kaa oo heysta mustaqbal dheer oo Man United, kal ciyaareedkeenii tagay wuxuu ina tusay inaan u baahannahay dooqyo iyo tayo aan ku soo darno shaxdeena, Victor-na waa kii ugu horreeyay ee nagu soo biira xagaaga. Waan ogahay in ciyaartoydeena cajiibka ah ay u soo dhaweyn doonaan isaga sida mid naga mida.”.

Victor Lindelof has reportedly cost Manchester United £31m

Lindelof  waa saxiixii 5-aad uu sameeyo Jose Mourinho sida uu u qabtay xilka Man United kaddib Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Paul Pogba.

Swedish defender Lindelof has signed a four-year contract with Manchester United

Manchester United have announced the signing of Victor Lindelof

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close