Conte oo ka badbaaday ganaax kadib fariintii uu u diray Diego Costa

Costa 1

(London) 14 Juunyo 2017 Tababaraha reer talyaani ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa ka badbaaday ganaax kadib fariintii uu u diray Diego Costa.

Conte ayaa jabiyay mid kamid ah sharciyada u dagan kooxda Blues, wuxuuna fariin ugu sheegay Diego Costa in la fasaxayo xaggaagan.

Sida ay baahisay The Sun, milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa la sheegay inuusan wax ganaax ah saari doonin tababare Conte kaas oo ku aadan fariintii uu u diray Costa.

Waxaana la sheegay in Conte uu boqor ka noqday garoonka Stamford Bridge ee galbeedka London.

Kooxaha AC.Milan iyo Atletico Madrid ayaa haatan wadahadalo kula jira gool dhaliyaha reer Spain ee Diego Costa, Blues ayaana badalkiisa u aragta weerar yahanka reer Belgium ee Lukaku.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close