Seddex kamid ah ciyaartoyda Real Madrid oo isbuucaan guursanaya

Image result for Morata y Vazquez

(Madrid) 13 Juunyo 2017 Seddex laacib oo ka tirsan ciyaartoyda Real Madrid ayaa isbuucaan aqal galaya, waxayna ka faa’idaysanayaan fasaxa xaggaagan iyo iyaga oo ku guulaystay horyaalka iyo Champions League.

1:Arooska ugu horeeya ayaa ka dhacaya magaalada Venice ee dalka talyaaniga, waxaana halkaas ku aqal galaya Alvaro Morata iyo saaxiibtiis Alice Campello.

24 jirkaan ayaa arooskiisu uu dhacayaa maalinta jimca ah, xili lala xiriirinayo kooxda Manchester United.

Image result for Alvaro Morata y Alice Campello

2:Arooska labaad ayaa ka dhacaya Majadahonda ee dalka Spain, Lucas Vazquez ayaana guursanaya saaxiibtiis Macarena Rodriguez.

Arooskaan ayaa la sheegay in intabadan ciyaartoyda Real Madrid lagu casuumay isla markaana ay ka soo qayb gali doonaan, arooska ayaana dhici doono sabtiga soo socda.

Image result for Lucas Vazquez y Macarena

3:Arooska 3-aad ayaa ka dhici doona Croatia, Mateo Kovacic ayaana la aqal gali doona saaxiibtiis Izabel Andrijanic.

Arooskaan waxaa ka soo qayb galaya kaliya Luka Modric marka loo fiiriyo ciyaartoyda Real Madrid, wuxuuna dhacayaa sabtiga soo socda.

Image result for Kovacic y Izabel Andrijanic

Sidoo kale warbaahinta ayaa baahisay in Danilo uu aqal galayo 30-ka bishaan, waana isla maalinta uu Messi aqal galayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close