Lyon oo ku wargalisay Arsenal qiimaha ay ku heli karto Alexandre Lacazette

Arsenal told Alexandre Lacazette will cost them £60m

(London) 13 Juunyo 2017 Kooxda Lyon ee dalka Faransiiska ayaa ku wargalisay kooxda Arsenal qiimaha ay kula wareegi karto weerar yahankooda Alexandre Lacazette.

Arsenal iyo Lyon ayaa wada yeeshay wadahadalo cusub, waxaana loo sheegay kooxda Arsenal inay miiska soo saarto lacag dhan 60 milyan oo Ginni sida ay baahisay Telegraph.

Lyon ayaa dalbanaysa in qiimaha laacibku uu yahay 48.7 milyan oo lagu darayo lacago kale oo dheeri ah taas oo gaaraysa 10.6 milyan oo Ginni wadarta lacagta ayaana ku dhawaanaysa 60 milyan oo Ginni.

Alexandre Lacazette ayaa la filayaa inuu caawa ka hortago xulka qaranka ingiriiska, waxaana weerarka lamaane kula noqon doona Mbappe oo qudhiisu Arsenal ay si wayn u doonayso.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gunners aysan wali ka quusan saxiixa weerar yahanka Monaco, sidoo kale kooxda ayaa doonaysa Thomas Lemar laakiin Monaco ayaa ku dadaalaysa inay sii haysato laacibkeeda qadka dhexe maadama Bakayoko uu ku sii jeedo Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close