Cristiano Ronaldo ma ahan oo kaliya laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta ee sidoo kale…

ro

(World) 13 Juunyo 2017. Haddaad ogeyd in Cristiano Ronaldo uu noqday laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka ku darso wuxuu boos fiican ka galay liiska dadka caanka ah ee ugu mushaarka badan adduunka.

Ronaldo ayaa wax la qeybsanaya markaan dadka caanka ah ee heesa ama madadaaliyayaasha sida Puff Daddy, Beyonce iyo Drake.

Diraasadan ay soo saartay Forbes ee dadka caanka ah ee ugu mushaarka sarreeya caalamka ayaa waxaa 10 ka sare ciyaaraha uga soo galay labo oo kaliya waana Cristiano Ronaldo oo galay 5-aad iyo xiddiga ciyaara Basket Ball ka ee LeBron James ee ku jira 10-aad.

Kaalinta koowaad waxaa ku fadhiya Puff Daddy ee ah fanaan qaada heesaha Raabka kaa oo hela adduun dhan 102 million oo bound, waxaa labaad ku jirta gabadha heysta ee u dhaxda fanaanka kale ee Jay Z ee Beyoncé.

Image result for Puff Daddy and Beyonce

3-aad waxaa soo xirtay JK Rowling ee ah qoraa reer British sidoo kale ah filim soo saare.

Drake ee heesaha Raabka ku caanka ah oo ay dhawaan amooraha wada jilayeen Rihanna ayaa 4-aad ka soo galay qiimeyntan.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta 5-aad ku jira wuxuuna helaa lacago dhan £73.2 milyan oo bound.

EEG LIISKA 10 ugu mushaarka badan dadka Caanka ah:

TOP 10 HIGHEST-PAID CELEBRITIES

1. Sean ‘Diddy’ Combs – £102million

2. Beyonce Knowles – £82.7m

3. JK Rowling – £74.8m

4. Drake – £74.06m

5. Cristiano Ronaldo – £73.2m

6. The Weeknd – £72.45m

7. Howard Stern – £70.86m

8. Coldplay – £69.33m

9. James Patterson – £68.53m

10. LeBron James – £67.8m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close