Waa kuma tababaraha cusub ee Roma? kooxda reer talyaani oo ku dhaw inay magacaawdo tababare cusub

Image result for Eusebio Di Francesco

(Roma) 12 Juunyo 2017 Kooxda Roma ayaa ku dhaw inay magacaawdo tababare cusub kadib markii uu katagay Luciano Spalleti oo ku biiray Inter.

Tababaraha kooxda Sassuolo ee Eusebio Di Francesco ayaa la baahiyay inuu yahay tababaraha la filayo in Roma ay shaaciso saxiixiisa.

Maamulka kooxda Sassuolo ayaa saxaafada u xaqiijiyay inay wadahadalo hormar leh kula jiraan kooxda Roma si tababare Di Francesco uu ugu wareego kooxda caasimada talyaaniga.

“Di Francesco wuxuu ku biiri doonaa Roma goor dhaw, waan xaqiijin karnaa taas” ayuu yiri gudoomiyaha kooxda Sassuolo ee Giovanni Carnevali.

“Waxaan la kulanay maamulka Giallorossi, waxaan rumaysanahay in arinku uu soo dhamaan doono maalmaha soo socda”.

“Wax shaki ah ma qabno marka loo fiiriyo xiriirka fiican ee aan la leenahay Roma” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close