Sergio Ramos oo ka hadlay wararka Morata la xiriirinaya Manchester United

MADRID, SPAIN - MAY 30: Sergio Ramos of Real Madrid and Alvaro Morata of Real Madrid looks on during training at the Real Madrid UEFA Open Media Day at Valdebebas training ground on May 30, 2017 in Madrid, Spain. (Photo by TF-Images/Getty Images)

(Spain) 12 Juunyo 2017. Waxaa la fahasan yahay in Jose Mourinho uu ku dhow yahay inuu gacanta ku soo dhigo Alvaro Morata.

24 jirka ayaa bixiyay qish wayn oo ah inuu ku sii jeedo Old Trafford kaddib markii uu Like saaray war la xiriirinaya Man United oo la soo dhigay baraha bulshada.

Wararka ayaa soo jeedinaya in Mourinho uu labo jeer dhaliyaha reer Spain ka wacay taleefanka usbuucyadii dhawaa si uu ugu qanciyo inuu kula midoobo masraxa riyada.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa doonaya isaga inuu saaxiibkii la sii joogo gegada Bernabeu.

Image result for Alvaro Morata and Sergio Ramos

“Waa la arki doonaa haddii uu Morata ka tagayo kooxda,” Ramos ayaa sidaa yiri mar mustaqbalka Morata wax laga waydiyay kaddib ciyaartii xalay ay 2-1 uga adkaadeen Macedonia.

“Kal gaceyl gaar ah ayaan u qabaa Morata waxaana had iyo jeer u rajeynayaa tan ugu fiican.

“Aniga go’aankeyga ma ahan haddii uu kooxda la sii joogayo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close