RASMI: André Silva oo ku biiray kooxda AC Milan + Sawirro & Muuqaal

(Milano) 12 Juunyo 2017 – AC Milan ayaa soo dhamaystirtay saxiixa qannaaska reer Portugal ee Andre Silva oo ay FC Porto kasoo siisteen €38m oo bareemiyo lagu daray.

Silva ayaa ku baasay tijaabadii caafimaadka oo uu saaka bilaabay, isagoo qalinka ku aasay heshiis 5 sano, iyadoo heshiiska Porto iyo Rossoneri uu kaliya soo daahiray fiidnimadii xalaytoole oo Axad ahayd, iyadoo aan xitaa la ogayn imaanshiyaha 21-jirkan ee Milano.

Weeraryahankan ayaa wacdaro dhigay kal-ciyaareedkii tegey ee 2016-17, isagoo 21 gool ansixiyay 44 kulan, isagoo sidoo kale weerarka Portugal kula jaal ah Cristiano Ronaldo, isagoo 7 gool dhaliyay 8 kulan oo uu saftay.

Ronaldo ayaa sidoo kale laacibkan ku tilmaamay ninka isaga dhaxli doona, Silva ayaa noqonaya laacibkii 4-aad ee AC Milan kusoo biira xagaagan, kaddib Mateo Musacchio, Franck Kessie iyo Ricardo Rodriguez.

Halkan ka DAAWO saxiixa laacibka….

#welcomeSilva! Benvenuto @andrevsilva10! 🔴⚫

Ett inlägg delat av AC Milan (@acmilan)

b

b b1 b3

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close