Neymar oo noqday laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka iyo Ronaldo oo laga waayay 10-ka sare

ddd

(Europe) 12 Juunyo 2017. Neymar ayaa loo magacaabay laacibka ugu qiimaha badan kubbada cagta adduunka isagoo ku garaacay xiddiga ay Barcelona kawada tirsan yihiin ee Lionel Messi sida ay sheegeyso diraasad cusub oo dhammeystiran.

25 jirka reer Brazil ayaa lagu qiimeeyay adduun dhan 185 million oo bound oo u dhiganta ($234m), waxaa kaalinta labaad soo galay da’yarka Tottenham iyo xulka Ingiriiska Dele Alli waxaana lagu qiimeeyay 137 milyan oo bound oo u dhiganta ($173m).

Diraasadan ay sameysay CIES Football Observatory study ayaa ku saleysay, bandhiga laacibka, xaalada caalamiga ah, da’da iyo booska.

Messi iyo Ronaldo ayaa aad ugu kala dheer diraasadan oo laacibka reer Argentina wuxuu ku jiraa 4-aad halka uu Cristiano Ronaldo uu jiro kaalinta 11-aad.

Ronaldo ayaa noqday laacibka ugu duqsan ama ugu da’da wayn liiska 110 ka laacib ee ugu qaalisan, halka dhaliyaha Monaco Kylian Mbappe uu yahay kan ugu da’da yar liiska wuxuuna ku jiraan kaalinta 18-aad.

Image result for Cristiano Ronaldo and Kylian Mbappe

Iyadoo ay jirto in Real Madrid ay labo sano oo is xigta ku guuleysatay Champions League misane liiska 25-ka ugu sarreysa ee xiddigaha ugu qaalisan waxay ku leedahay Ronaldo oo kaliya kan ugu soo dhow waa Toni Kroos oo soo galay kaalinta 28-aad isagoona lagu qiimeeyay adduun dhan 71 milyan oo bound oo u dhiganta 90 milyan oo Doolarka Mareykanka.

EEG LIISKA 10-ka LAACIB EE UGU QAALISAN KUBBADA CAGTA ADDUUNKA:

1. Neymar, Barcelona, £185m ($234m)

2. Dele Alli, Tottenham, £137m ($173m)

3. Harry Kane, Tottenham, £135m ($171m)

4. Lionel Messi, Barcelona, £134m ($170m)

5. Antoine Griezmann, Atletico Madrid, £132m ($167m)

6. Luis Suarez, Barcelona, £124m ($157m)

7. Paul Pogba, Manchester United, £119m ($150m)

8. Gonzalo Higuain, Juventus, £106m ($134m)

9. Eden Hazard, Chelsea, £104m ($131m)

 10. Paulo Dybala, Juventus, £102m ($129m)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close