“Markaan ciyaaraha ka fariisto, Silva ayaa dhaxlaya booskeyga.”. Cristiano Ronaldo oo ammaan ugu qubeeyay saxiixa cusub ee AC Milan

cr

(Portugal) 12 Juunyo 2017. Andre Silva ayaa maanta Milan tijaabada caafimaad ugu maray La Madonnina wuxuuna sheegay inay riyo u rumowday tahay inuu ka mid noqdo kooxda mansabka iyo magaca waynba ku leh Yurub.

Cristiano Ronaldo ee lagu sheego mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ebid taariikhda kubbada cagta ayaa ammaan ugu qubeeyay Silva oo ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Portugal.

d

Labada weeraryahan ayaa dhaliyay 17 ka mid ah 22 gool uu xulkooda ka dhaliyay isreeb reebka koobka adduunka ee 2018. Xiddiga Real Madrid ayaana aad ula dhacsan lamaanihiisa cusub ee dhanka weerarka.

“Marka aan ka fariisto ciyaaraha, Portugal waxa ay ku jiri doontaa gacan ammaan ah, maxaa yeelay waxay heleen dhaliye wayn, Andre Silva.”. Ronaldo ayaa sidaa u sheegay Gazzetta dello Sport.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close