AC.Milan iyo PSG oo ciyaartoy is dhaafsanaya

Image result for donnarumma and Bacca

(Milan) 12 Juunyo 2017 Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG ayaa saaka soo gaaray magaalada Milan si uu wada hadalo ula furo kooxda reer talyaani.

La Gazzetta dello Sport ayaa ogaatay in PSG ay doonayso goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo tababare Unai Emery uu aad ula dhacsanyahay qaab ciyaareedkiisa.

Image result for Krychowiak

AC.Milan ayaa wadahadalada soo dhex galisay inay uga faa’idaysato saxiixa laacibka reer Poland ee Grzegorz Krychowiak kaas oo boos ka waayay PSG tan iyo markii uu ku biiray xaggaagii hore.

Sidoo kale Milan ayaa PSG ka doonaysa kubadd sameeyaha reer Argentina ee Javier Pastore kaas oo aan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa.

Wargayska ayaa intaa ku daray in sidoo kale laga wadahadlay suurogalnimada uu Carlos Bacca ugu biiri karo PSG kaas oo xiriir fiican la leh tababare Unai Emery.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close