“Waa sharaf wayn inaad ogaato in Wenger uu ku doonayo” – Riyad Mahrez

(London) 11 Juunyo 2017 Laacibka kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez ayaa soo dhaweeyay wararka la xiriirinaya kooxda Arsenal.

Riyad Mahrez ayaa ku fashilmay inuu u dhaqaaqo Emirates xaggaagii hore markaas oo uu go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa si uu u caawiyo.

Laakiin xiddiga reer Algeria ayaa lala xiriiriyay Arsenal markale kadib markii uu kooxdiisa u gudbiyay codsi ah in la fasaxo xaggaagan.

“Waa sharaf wayn inaad ogaato in Wenger oo ah mid kamid ah magacyada ugu wayn kubadda cagta uu ku doonayo” ayuu u sheegay Mahrez TV-ga Al-haddaaf.

“Farqi ayaa u dhexeeya xiisaha, dalabka iyo wararka suuqa, ilaa haatan ma jiraan wax rasmi ah oo iiga yimid Arsenal”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close