Barcelona oo dalab qaali ah ka gudbinaysa Marco Verratti (Goorma?)

(Barcelona) 11 Juunyo 2017 Kooxda Barcelona ayaa diyaarsatay dalab qaali ah oo ay ku doonayso Marco Verratti sida ay baahisay The Sun.

Barcelona ayaa diyaarsatay lacag dhan 87.8 Milyan oo Ginni si ay ugu qanciso PSG inay ka iibiso 24 jirka reer talyaani.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona ay dalabkeeda la hortagi doonto kooxda reer France barri oo isniin ah sida lagu sheegay warbixinta.

Marco Verratti ayaa u gudbiyay kooxdiisa PSG in la fasaxo xaggaagan, waxaana isku haysta saxiixiisa kooxaha Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich.

Warar saaka ka soo baxay faransiiska ayaa baahiyay in PSG ay ku doonayso Marco Verratti lacag dhan 80 milyan oo euro.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close