LA YAAB: Funaanadda Barcelona oo laga mamnuucay Sucuudiga! (Waa maxay sababtu) + Sawirro

(Riyaad) 10 Juunyo 2017 – Kaliya xirashada funaanadda Barcelona adigoo jooga Saudi Arabia ayaa kuu horseedi karta xabsi 15-sano ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya £120,000 oo gini, maaddaama ay kooxdaasi xayaysiiso Qatar Airways.

Xiisad diblomaasiyadeed ayaa mar uun ka aloosantay gobolka Gacanka, kaddib markii baando uu Sucuudigu hor kacayaa ay xiriirkii u jareen dalka yar balse saamaynta ballaaran ee Qadar, intaa uun ma ahane waxaa la jaray wax kasta, iyadoo ay haatan xitaa saamaynayso taageerayaasha reer Sucuudi ama dalkaas deggan ee xirta funaanadaha Neymar iyo Lionel Messi.

Dalalka deriska la ah Qadar ayaa Qatar Airways ku daray liiska madoow oo ay ka buuxaan ururro ay sheegeen inay xag-jirka taageeraan, taasoo ay Qadar beenisey, waxaana mamnuucaas dabcan soo gashay funaanadda BARCELONA.

b b1 b3 b4 b5

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close