WAR CUSUB: Juventus oo heshiis la gaartey Patrik Schick

(Torino) 10 Juunyo 2017 – Juventus ayaa heshiis hordhac ah la gaartey kooxda Sampdoria iyo Patrik Schick, sidaa darteedna waxay gacanta ku dhigeen saxiixoodii 1-aad ee suuq-xagaaga, sida uu dhigayo La Gazzetta dello Sport.

Qannaaskan ayaa wacdaro ka dhigaya sanadkiisii 1-aad ee Serie A, isagoo markii hore beddel wanaagsan ahaa, kahor inta aanu Luis Muriel ku riixin kursiga kaydka.

Waxaa muddo lala socdey inay Juventus la xaajoonaysay laacibka, balse iminka waxaa yimi xal, waxaana la sheegayaa inay labada dhinac ku kulmeen shirkii Lega Serie A waxayna isku afgarteen €25m.

Schick ayaa la sheegayaa inay Juve u daynayso kooxda Sampdoria si uu sanad kale amaah ugu ciyaaro oo uu kalsooni iyo khibrad u helo.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close